Waligaa Hala Noolaan Haweeneyda Tilmaamahaan Leh Ka Carar Ninyohow

Waligaa Hala Noolaan Haweeneyda Tilmaamahaan Leh Ka Carar Ninyohow

waa inaad iska hubisaa calaamadahan xun ee hoos aan kusheegi doono maadaama laga yaabo in xaaskaagu leedahay, taas oo waliba kaa caawin doonta inaad fahanto sida loola dhaqmayo lammaanaha danteedu uun umuuqato ee kudaneysta qofka kale ee xiriirku kala dhaxeeyo:-

1: Waxay kaa filataa inaad markasta garabkeeda joogto kaana hesho waxey rabto laakiin waligeed lagama yaabo in sida aad ugarab istaagtay oo kale ay kuu garab istaagto.

Guur caafimaad qaba, waa midka laga helo in labada qof ee isqaba ninka iyo naagtuba ay waqti waliba garbaha isheystaan si waliba oo duruufuhu yihiin.

Taasi micnaheedu waa in sanado dhawr ah oo guurka aad iskula joogtaan, labadiinnaba waxaad noqotaan saaxiibbadii isugu dhow isla markaana taageerada ugu weyn ka dhexeysa cudur iyo caafimaad iyo maalmo wanaagsan iyo kuwa xunba, sida nidarradi arooskaagu dhahayo.

XIRIIRKA KAALA DHAXEEYA IYADA

Nasiib darro calaamadaha Jaceylka ay kuu qabto ama kuu muujiso waa mid shuruud kuxiran marwaliba

Lamaanahaaga noocaasi ah lagama yaabo iney kuu qalbi qaboojiso, kuuma noqoto dabeyshi garbahaaga uriixi laheyd gaarista halka aad hiigsaneyso waayo danteeda kama aragto horusocodkaaga maadaama qofkaasi yahay mid dantiisa uun eegta qofna aan unixin.

WAXEY KAHADASHAA UUN BAAHIYAHEEDA

Ahmiyad siinta naftaada ama danahaaga waa mid wanaagsan mana aha sinaba qaab dhaqan xumo ah ama daneysi ah, waayo qof waliba mudnaan wuu siin karaa farxadiisa shaqsiyadeed.

MARNA EEDEEDA MAQAADATO

Xiriir kastaa waa sida waddo laba dhinac ah. Waxay la macno tahay in labada qof ee xiriirku kadhaxeeyo ay tahay inay isku damqadaan taasi oo ka dhigaan inay isla shaqeeyaan. Suuragal ma ahan in hal dhinac uu qaato eedda oo had iyo jeer uu dambiile ku noqdo waxyaabaha xun ee dhacaya.

READ ALSO  4 Calaamad Lagu Garto In Ninka Uu Noqon Doono Mid Ku Fiican Kulanka Sariirta !

LAGAMA YAABO INEY KUDHAGEYSATO

Weligaa ma kugu dhacday inaad dareento in xaaskaaga aysan kusiinin fiiro gaar uyeelan waxyaabaha aad sheegeysid? Inay dhab ahaan wax dadaal ah gelinaynin si ay u fahamto aragtidaada iyo inaad gaarto heerka hoose ee shakhsiyaddaada xanaaq iyo ciil dartiis?

Hagaag, arintaas, waan ka xumahay inaan kuu sheego xaqiiqadeeda laakiin waxaad la macaamileysaa xaas xaasid iyo daneyste ah.

WIXI DANTAADA AH MAKUGU GARABSIISO MUHIIMNA UMA ARAGTO

Adiga iyo naagtaada waxaad tihiin labo shaqsi oo kaladuwan. Kaliya maadaama aad tihiin dad isqaba, macnaheedu maahan inaad isula macaamishaan marwaliba sidii laba qof oo kaladuwan taasi oo kutimaada marka qofkiin uu maskaxdiisa kuxiro in eydan isfahmi Karin.

Si kastaba ha noqotee, markaad qof jeclaato, waxaad isku dayi doontaa sida ugu fiican ee ugu wanaagsan ee laguugu dari karo noloshooda. Waxaad ku dadaaleysaa dadaal aad ugu jeceshahay waxyaabaha ay jecel yihiin, si aad uhesho waxyaabo ay wadaagaan.

WAA QOF JECEL INUU TALIYO

Hal arin ayaa xaqiiq ah haddii ey tahay nooca dumarka jecel iney qofka xukumaan. Ma dareemaysid culeyska ay leedahay niyad ahaan haddii aad leedahay naag aad ogtahay ineysan kalaba labeynin wado waliba umarto helitaanka ama qaadashada waxa ay nolosha ka rabto.

FURIIN AYEY KUUGU HANJABTAA HADII AY SIDEY RABTO WEYSO

Hadii aynu daacad uhadalno; Guur kasta iyo xiriir jacayl ayaa waja culeys iyo hubanti la’aan xaga mustaqbalka marka midkiin uu ugu hanjabo inuu ka baxayo xiriirka kala dhaxeeya qofka kale.

SARENTEEDA AYAA KAHOREYSA WAX WALIBA

Dhammaanteen waa inaan lahaanaa qab xadidan oo aan ku dadaalnaa sidii aan u ilaalin lahayn sharafteena.

READ ALSO  7 ficil oo lamaanahaaga tusaya inaad si dhab ah u jeceshahay

MA MUUJISO MASUULIYAD XAGA DHAQAALAHA AH

Reerku wuxuu leeyahay ilo dakhli oo ay kutiirsanyihiin haba noqoto ninka oo reerka ushaqeeya waana wax muhiim u ah jiritaanka qoyska — sidaa darted dhisidda mustaqbalka reerka waa waajib si wada jir ah u saaran labada qof ee isqabta.

Balse Si kastaba ha noqotee, naagta noocaan ah waa mid aan muujinin xilkasnimo ama masuuliyad marka ay timaado arimaha dhaqaalaha, qarashaadka, biilka iwm.

MARNA KUUMA MAHADCELISO

Mahadcelintu wa mid kamid dabeecadaha ugu muhiimsan ee bini aadamku yeesho isla markaana sare uqaada xiriirka iyo xushmada dadka kadhxeeysa, balse haweeneyda daneysatada ah marna kuuma mahadceliso iyadoo u aragta mid iyada u ekeysiineysa iney daciif tahay taasi oo kadhigan ineysan marna abaal kuu heynin maadaama ay kuu aragto inaad tahay qof ay ka leedahay dan aan sidaa uweyneyn,

WQ/ Buzuri Aweis

Waqtiga ku baxay owgiis wan ogahay inadan like-ta iyo share-ta ka tageynin, Mahadsanid.

Buzuri

Buzuri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *