Marwalba ku dhiirageli maftada erayadaan :)

Marwalba ku dhiirageli maftada erayadaan :)

U sheeg naftaada:

1. In Ujeedo cad laguu abuuray oo laguu keenay Aduunkan

2. In Alle uu had iyo jeer kula jiro

3. In aad tahay qof Muhiim ah

4. In aad leedahay karti

5. In wax kasta ay hagaagayaan

6. In culays kasta uu ka dambeeyo fudayd

7. In aad u qalanto waxyaabo waaweyn

8. In aad gaari karto meel sare

9. In wax kasta Aduunkan ay yihiin ku meel gaar oo aysan waarayn

10. In aad tahay qof degan oo dulqaad leh

11. In aad noqon karto qofka aad rabto

12. In wanaag badan kuu dambeeyo

13. In aad wax qaban kartid, hal abuurna leedahay

14. In aad Qurux badan tahay, Sharafna leedahay

15. In aad tahay qof firfircoon oo Hawlkar ah

16. In aad tahay qof adag oo go’aan leh

17. In aad sameyn karto isbedel dhab ah

18. In waqtigu yahay HADA

Qof kasta wuu isla hadlaa, Maskaxda bini’aadanku marnaba faaruq ma noqoto, mar kasta waxbaa ka dhex socda. Xusuusnow hadalada aad iskula hadasho, wixi aad u sheegto naftaada maalin kasta waxay kuu noqonayaan in ay kor kuu qaadaan ama hoos kuu dhigaan. Adigu ha is niyad jabin, Adigu hoos ha isu dhigin, Adigu nafta ha ku ridin rejo la’aan, Adigu ha is dhiibin.

W/Q: Buzuri aweis

READ ALSO  Haweenka Oo Jecel In Sidaan Loo Sameeyo Kulanka Sariirta Kadib
Buzuri

Buzuri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *