Halista ka dhalata cunista malabka leysku cayiliyo

Halista ka dhalata cunista malabka leysku cayiliyo

Malabka cayilka:

Waa malab halis caafimadleh, waxaa ku jirta dawooyinka corticosteroids-ka ah oo lagu daweeyo xasaasiyada, Asmada iyo xanuuno kaloo badan taas oo aan ku cadayn kartoonka malabku ku jiro si loo marin habaabiyo dadka cunaya.

Dawooyinkasi waxay khalkhal ku keenayan oo kor u qaadan dheecanka koortisolka (Cortisol hormone).

Waxaa qofka ku dhaca cudurka loo yaqaan (Cushing’s syndrome) oo ah xaalad ka dhalata markuu bato ama kor u kaco dheecanka looyaqaan koortisolka weliba wakhti dheer.

Astaamaha qofka isticmaala malabka:
1.Miisanka oo kordha.
2.Lugaha iyo gacmaha oo dhuuban.
3.Murqaha oo noqda kuwo debecsan .
4.Garbaha,qoorta,caloosha iyo naasaha oo cayil fara badan lagu arko.
5.In lagu arko maqaarko diilimo ama dildilaac yeesha weliba caloosha,bawdyaha iyo cududaha.
6.Maqaarko si fudud ku casaanaya qofka.
7.Wajigoo noqda waji goobo ah ama wareegsan qaab ahaan.

Dhibaatada ka dhalata isticmaalka malabkan:
Wadna istaag iyo faalig.
Keliyahoo hawl-gaba.
Infekshanka ama caabuq.
Gaastari.
Lafahoo jaba si fudud.
Dhiikar iyo Macaan.
Kolistaroolka nooca xun oo bata.

Fadlan la wadaag asxaabtada.
W/Q Buzuri Aweis

READ ALSO  Haweenka Oo Jecel In Sidaan Loo Sameeyo Kulanka Sariirta Kadib
Buzuri

Buzuri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *