Halis ayad kujirtaa ee is bad baadi

Halis ayad kujirtaa ee is bad baadi

Waan ogahay marka aan ku dhahay halis ayaad kujirtaa maskaxdaadu wey aqbali weyday erayadaas, waxaana isla markiiba kugu soo dhaceysa in ay been thy, oo aadan kujirin halis iyo wax dhowba oo aad nabadaada qabto !

Aan kuu jilciyo warka :

Waad ku saxantay inad sameydo arinkaas waana caado dabiici ah oo bini aadanka oodhan ay ka simanyihin,

balse waxaa jira dad horay u jiray iyo dad hada jiraba oo dunidan aad ku nooshahay kula nool, si fiicanna ay maskaxdooda ugu dhibicday in ay halis ku jiraan isla markaana ay fahmeen nuuca halista ee ay kujiraan,

waa tahay, meeqa halis ayaa jirta ?

Halista ayaa laba nuuc kala ah aan ku bilaabo mida koowaad

Halista caadi-ga ah : waa halista ay dadka dhan sy wada yaqaanan: Sida marka ay dhibaato ama arrin murugo leh kugu dhacda, halista aad dareemeyso oo kale :

Tusaalahan aan kuugu jilciyo faahnkeeda

kaba soo qaad adiga oo gurigaaga joga ayaa lagu soo wacay, Waxaana kusoo wacday jabhad ama tuugo oo kugu dhahaayo walaalkaga ayan dileynaa haddii kale 5 Milyan dollar oo madax furasho ah dhiib , waa taas halisa aad dareemeyso waa mid muuqaal leh oo aad marwalba arki karto ama aad la kulmi karto

• Halista labaad ee ah halsita dadban halistani waxey 100 mar ka halis badan tahay halista koowaad

Aan kuu jilciyo hadalka, Halistani wa halista ee aadanuhu badankiisa uusan dareemin, Ma dareemeysid inad halis kujirto sababto ah halistani waa halis qarsoon,

Halistani waxaa fahma 10% oo uu ilaahey SWT u naxriistay ( Illaa man raximuhu allah )

Aan kusoo xasuusiyo !

READ ALSO  Waligaa Hala Noolaan Haweeneyda Tilmaamahaan Leh Ka Carar Ninyohow

Ma ogtahay in aad tahay makhluuq la abuuray ?

haddii aadan horay u ogeyn hada ogoow,

haddii aad horay u ogeydna , wax badan kamaadan ogeynee ee hada ogow , Wax badan ayaa kaa qarsoon,

Dunidan waa imtixan ilaaheyna wax uu dunidan dusheeda kuusoo saray waa tijaabo uu ku tijaabinaayo Iimaankaaga, Sabarkaaga, Iyo dulqaadkaga,

Waa tijaabo uu ku ogaanayo iimaankaga intuu gaarsiisanyahay, Haddii aad xumaanta aad ka fogaaneyso iyo haddii aad usii dhawaaneysaba

Haddii aad u sabreyso marka ay dhibaato kugu dhacdo taladaadana aad u deyneeso Allah swt, oo aad alle tallo saarato.

Haddii aad u dulqaadaneyso nabarada xanuunka ah iyo jabka kugu dhacaayo inta aad saarantahay dunida korkeeda.

Halista dadban ee aan ka hadleyno ayaa ah midani,

Sidee ku noqon kartaa ?

Aan kuu jilciyo hadalka ,

adiga haddii aad ogtahay inu ilahey dundian kuu keenay in uu kugu tijaabiyo dundiaan imtixaankeda, Hadaba ogow waxaa jira dad aan ogeyn midaasi ,

waan ogahay hadalkan suurtagal wuu kula noqon waayey waxa is tiri ” qofwalba wuu ogyahay inuu ilaahey abuuray “

Waan kugu raacsanahay arrinkaa qof walba waa uu ogyahay in uu ilaahy abuuray ,

Lkn qofwalba ma oga sababta loo abuuray , Midaas maskaxdaada kuhaay !

Wana halis dadban , in aadan ogeyn sababta saxda ah ee laguu abuuray !

badankeenu aanan ogeynba

Haddii aad fahanto inad halsita dadban kujirto waxad naftaada bareysaa in ay ku shukriso inta ay heysato iimankagana waa uu si badanaa waxad sidokale bareysaa naftada in ay u sabarto qadarta alle , Oo ay u dulqaadato dhibaayinkeda iyo xaaladaheeda kala duwan ,

Haddii uu alle nimco ku siyana aad ku xamdiso nimcadiisa,

Ma ogatahay markasta oo cimrigaaga kordho mas’uuliyadaha kusoo saarmayana wey kugu sii kordhi doonan,

READ ALSO  Aqriso Dhibaatoyinka ay siigada leedahay

maskaxdaada iyo Indhaaga isii halmar oo si fiican u dhuux miraha hadaladan !

Shaley waxad aheyd Caruur iska ciyaara oo aan mas’uulyad saarnen

kadib waxaa lagu geliyey iskuul ama dugsi waxaa kusoo sarmeysa mas’uuliyad

Waad dhameysay iskuulkii ama dugsigii adigoo islaga mas’uulyadii wey kaa degtay markan,

ayaad waxad galeysaa jaamacad waxaa kusoo saarmeysa mas’uuliyad kale oo cusub,

Jaamaacdii ayaad dhameysay adigoo isleh markaan bes waye free ayad tahay

Aya waxaad arkeysaa waalidkii intan wax kuusoo baraayey oo heer kusoo garsiyeye in uu sii duqowbaayo oo ay da’ ka daba timid sidii horena aan kuugu dadaali karin, Ayna tahay xilligii uu kugu nasan lahaa ,

Shaqo ayaad raadineysaa, Haddii aadan helin shaqadaa durufo jiro owgeedna self depression ayad qadeysaa,

Haddii aad qaadana mas’uuliyad ayaaa kusoo saarmeysaa

Nuxurka hadalkan

Dundia korkeeda dhereg ama dhameystirnaan kama jirto ! kamana heli dontid , Waa inad ku qanacda intuu allah ku siyey,

Aadna u dadaasho hadafyada wanagsan ee qalbigaaga ka guuxaaya noloshaada mustaqbalkana aad qurxisato, sababto ah wax kasta aad u dadaasho wad heli donta maalin,

20 jirkaaga xoogso oo 30 jirkaaga jifso

Nasiib ayad ledahay haddii aad ogaato halista qarsoon ee aad kujirto inta aad jirto da’da u dhaxeysa 20 ilaa 30 sanno

Sababto ah waxad ogaaneysa mas’uuliyadaha ku saaran haddii ay tahay cibaado, Kaalmada reerka iyo waajib-ka ay kugu leeyihin waalidkaga, naftada waxa ay kaaga bahan tahay iyo sida aad rabto inad noqoto mustaqbalka.

aduunkan waa silsilado kala duwan oo isku feel feela ( isku xig xiga ) sil silad kastana waxey xambarsan thy wax dheef iyo dhibba, guul , iyo guuldaraba, magac iyo sumcad xumidba,

READ ALSO  4tan arimood u sameey jaceylkaaga

Mustaqbalkaga adiga ayaa dhisan kara adiga ayaana iska dumin kara,

Doorashada adiga ayaa leh !

Gaba-Gabo

Hal tallo aan ku siyo , Jeclow dadka lkn ha aaminin dadka !

Halis ayaad ku jirta ee is bad baadi !

WQ/ Buzuri Aweis

WEB: Xclusivebob.com( Buzuri texts )

Facebook – Buzuri aweis

instagram – Iambuzuri

join for our telegram channel for free online courses https://t.me/buzuriacademy

Buzuri

Buzuri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *