Haddii Aad Hesho Gabar Noocaan Ah Nin Nasiib Leh Ayaa Tahay

Haddii Aad Hesho Gabar Noocaan Ah Nin Nasiib Leh Ayaa Tahay

Waxaa jirta gabar ay tahay inaadan iska sii deyn sababtoo ah waxaa jiraan waxyaabo wanaag ah oo ay leeydahay isla markaana u wanaagsan guurkaaga.

Gabadha noocaan ah waxaad uga tagi kartaa kaliya in iyada ay go’aansato isla markaana ay ku weydiisato inaad fasaxdo.

Waa kuwaan nooca gabadhaha ay tahay inaadan marnaba iska sii deyn.

1. Gabadha wax cafisa

Waxaa jiraan gabdho sameyn doona wax kasta si guurku u shaqeeyo una guuleysto. Gabadhahaas dabeecad ahaan waa kuwo kuu cafiya wax kasta oo aad ku sameyso ama aad ku dhaawacdo.

Gabdhaha noocaas ah ma badna mana ahan kuwo mar kasta aad heli doontid waana sababtaas aad uga shalaayn

doontid inaad iska sii deyso.

2. Gabadha aamusan

Gabdhaha noocaan ah marnaba codkooda sare uma qaadaan mana kula galayaan muran adag.

Waxay ogyihiin sida loo ilaaliyo daganaantooda. Waxay umuuqan karaan kuwo aanan ka warqabin wax kasta oo aad sameyso laakiin waa kuwo la socda wax kasta oo dhaca.

Mararka qaar waxaad weyn kartaa arageeda sababtoo ah waad dhaawacday, sababta ay kaaga ag fogaaneyso ayaa ah waxay dooneysaa inay ooyso  isla markaana maskaxda dajiso  mana rabto in la arko iyadoo ooyneysa.

Iyadoo maanta ay jiraan gabdho badan oo muran u saaxiib ah isla markaana raggooda muran adag la gala oo xittaa mararka qaar aflagaadeeya, inaad ka tagto gabar aamusan oo degan waxay ku galin kartaa dhibaato iyo shalaay.

3.Gabadha aragta wanaagaaga

Qeybta saddexaad ee gabdhaha ay tahay inaadan dhaawicin ayaa ah kuwa arka wanaagaaga isla markaana kugu dhiirigeliya inaad ka guul gaarto hadafyadaada.

READ ALSO  Calaamadaha Lagu Garto Inaad Guur U Baahan Tahay

Waa gabdho qaaliya oo aanan lahelin gabdhaha noocaas ah.

WQ/ Buzuri Aweis

Buzuri

Buzuri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *