Guurso Ninka Hadaad Ku Aragto Sifooyinkaan Cajiibka ah

Guurso Ninka Hadaad Ku Aragto Sifooyinkaan Cajiibka ah

Shabakadda feederi ee ku magac dheer Buzuri texts , ayaa waxay idiin soo gudbineysaa tilmaamaha ninka wanaagsan ee ay tahay inaad guursato si aad u gasho guur aad ku qabowsato kuna raaxeysato inta noloshaada ka dhiman.

Haddii aad ninka ku aragto tilmaamahan yuusan kaa fakan.

1. Kalgacayl iyo naxariis

Loomaha baahna in arrintaana la sii sharaxo, waxaa hubaal ah inaadan rabin inta noloshaada ka hartay inaad la qaadato qof aad adigu jeceshahay laakiin isagau aanan ku jecleyn.

2. Daacadnimo

Run ahaantii, qof daacad ah oo aanan lahayn wax taariikh qiyaano ah ma gelin doono maskaxdaada shaki iyo maseyr laakiin waxaad ka heli doontaa xasilooni dhanka maskaxda ah.

3. Nin Daacada, xilkas ah, oo aamina

Nin daacad ah oo masuul ah isla markaana aamin ah, waa nooca ninka ay gabar waliba ku duceysto, waana nin u qalma guur iyo hogaaminta qoys.

Waxaa buuxa rag badan oo daacadnimo iska daaye xittaa dayacay masuuliyaddii saarneyd.

Ma jirto haweeney rabta nin aanan masuul ahayn oo aanan la isku haleyn Karin sababtoo ah nin noocaas ah ma hogaamin karo qoys.

4. Mahadnaq

Ninka aanan kaaga mahadnaqin dadaalkaaga isla markaana aanan qiimeyn guulaha aad gaartay had iyo jeer wuuku liidi doonaa ama wuxuu kaa dhigi doonaa qof hooseeya arrintaas oo kuu horseedi doonta in kalsoonida ay kaa lunto.

Sidaa darteed, raadso nin kor kuu qaadi doona oo ku dhiiri gelin doona.

WQ/ Buzuri Aweis

Waqtiga ku baxay owgiis wan ogahay inadan like-ta iyo share-ta ka tageynin, Mahadsanid.

READ ALSO  4 Calaamad Lagu Garto In Ninka Uu Noqon Doono Mid Ku Fiican Kulanka Sariirta !
Buzuri

Buzuri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *