Akhriso Tilmaamaha ninka wax jecel

Akhriso Tilmaamaha ninka wax jecel

1.Nuglaanaho: waa calaamad lagu arko ninka, waxay ka turmaysaa inuu culays xoog lihi haysto oo jacayl ah. Wuxuu nugayl u muujinayaa gabadha uu jecel yahay iyo cida ka ag-dhaw Calaamadaha ugu caansan

2.Dulqaad xad-dhaaf ah: wuxuu dulqaad weyn u muujinaa gabadha uu jacylka xad-dhaafka ah u hayo. Marna kama suurtogalayso inuu noqdo bilaa dulqaad, waana marka xaggeeda laga eego. Hadday balanta u jarto, amma ku xanaaqdo kama ficil qaadanayo, waayo meel ayey kaga taal.

3.Ka sheekayn: 

4.Wax-kasta-haye: mar kasta oo ninka ay wax weydiiso gabadhu uu jecel yahay wuxuu ugu jawaabayaa haye, xittaa haddii aanu awoodi karin. Waayo waxa haya culayska uu leeyahay jacaylku. 

5. Hadal-macaan: waa albaabka ugu horeeya ee laga galo qofka. Ninku wuxuu markaba ku qaabilayaa hadal macaan oo soo dhawayn wata. 

6. Hadaaq: waxa ninka ku bata halmaanka, waxaad arkaysaa isagoo ku halmaamaya magacii qofka u jeclaa. Muddo ka dib wuu ka noqonayaa, waxaanu odhanayaa waan ku khaldamay, balse waxa jiitay wixii qalbigiisa ku jiray.

7. Tilifoon-ku-hadal badan: wuxuu aad ugu dadaalaa inuu xidhiidh dhaw la yeesho gabadha uu jecel yahay. Taasina waxay ku keentaa inuu markasta tilifoon ku hadlo. Haddii ay ku adkaato inuu toos ula xidhiidho jacaylkiisi wuxuu la xidhiidhaa cida ay isku fiican yihiin, isagoo ka ururinaya jacaylkiisii.

WQ: Qoraa Buzuri Aweis

READ ALSO  7 ficil oo lamaanahaaga tusaya inaad si dhab ah u jeceshahay
Buzuri

Buzuri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *