3 nooc oo ugu xun ragga (iska ilaali)

3 nooc oo ugu xun ragga (iska ilaali)

Ma taqaannaa 3 nin oo ugu liita ragga? Waa kuwa astaamahan leh.

Ragga oo dhan isku wada mid ma aha, farqi djinacyo badan ah ayaa u dhaxeeya.

Marka ay timaado in la is barbar dhigo, qaarkood waxay istaahilaan in la iska ilaaliyo ama laga fogaado.

Maanta waxaan eegeynaa 3 nooc oo ka mid ah ragga, kuwaasoo lagu tilmaamo inay yihiin nimanka ugu liita.

Waxay leeyihiin astaamo lagu garan karo iyo dabeecado u gaar ah iyaga.

Nabigeenna Muxammad NNKH ayaa ka digay saddexdaas nooc ee nimanka ku dhex jira 

Dumarka waxaa lagu boorriyay inay ka feejignaadaan ragga noocaas ah, oo aysan nolosha la wadaagin marka laga hadlayo guurka.

Haddaba maxay kala yihiin?

1- Ninka raqiiska ah

Waa ninka raqiiska ka ah dhan walba oo noloshiisa ka mid ah.

Dhaqaale ahaan oo kaliya raqiis uma aha balse waxa uu sidoo kale raqiis u yahay maskax ahaan.

Xaaskiisa wuu kuvgacan adag yahay, ehelkiisana waxba uma oggola.

Qaabka fikirkiisa waa mid meel hoose ku eg. Sidoo kalena ma aha nin adeyggii ragga leh oo waxaa niyad jabin kara waxyaabo iska sahlan.

2- Ninka aan ballanta lahayn

Soomaalida waxa ay ku maahmaahdaa, Qowll nin weyn ka dhacay waa geed qolof ka dhacday”.

Ninka aan ballantiisa dhowrin wuxuu ka mid yahay noocyada ugu xun ragga, ee mudan in laga fogaado.

Haddii uu xaaskiisa, caruurtiisa, ama bulshada ku hareereysan wax ka ballan qaado waxaa lagu yaqaannaa in uusan ka dhabeybib.

3- Ninka haaheeya raaca ah

Waligaa ma maqashay hebel waa “dameeri dhaan raacday?”

Kani waa ninka meelna aan ku hakanin ee marba dhinac wax u raaca.

READ ALSO  7 ficil oo lamaanahaaga tusaya inaad si dhab ah u jeceshahay

Waa suuragal ah isagoo go’aan gaaray in si fudud loo baddalo maskaxdiisa.

Qofkaasoo kale Soomaalidu waxay dhahaan “haaheeya raac”.

Nin walba waa inuu dib isugu laabto oo uu hubiyo inuu ku jiro liiskan iyo in kale.

Haddii aad isku aragto qaar ka mid ah astaamahaas waa inaad si deg deg ah isbaddal u sameyso, waayo waxaad dhibaato ku tahay bulshada.

WQ/Buzuri Aweis

Buzuri

Buzuri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *