3 Astaamood Oo Lagu Garto Inaad Tahay Qof Madax Adag

3 Astaamood Oo Lagu Garto Inaad Tahay Qof Madax Adag

Dadka badankood waa kuwo aanan fahamsaneyn dabeecadohooda. Qaarkood waa madax adagyihiin.

Madax adeygu wuxuu keeni karaa kibir kaasooo kaa fogeynaya saaxiibadaa isagoo sidoo kale burburinaya sumcadaada.

Waa kuwaan calaamadaha lagu ogaado inaad tahay qof madax adag.

  1. Wax kasta dood ayaad ka keentaa

Dadka madaxa adag waxay u muuqdaan kuwo dood ka keena wax kasta, iyagoo aanan eegin haddii waxa ay yihiin kuwo qiimo leh iyo kuwo aanan qiimo lahayn.

Marnaba ma aqbashid markaad qalad sameyso iyadoo taas ay jirtana waxaad dusha ka saartaa qaladka dadka kuu dhow intaad masuuliyadda qaadan lahayd.

2. Mar kasta waxaad ku dhegtaa waxaad rabto

Waad madax adagtahay haddii aad xaqiiqsato inaad mar kasta ku dhegto waxaad rabto. Marnaba ma tanaasushid waadna niyad jabtaa markaadan helin waxaad rabto.

Tani waxay sidoo kale keentaa niyadjab gaar ahaan marka qorshayaashaada nolosha ay guul dareystaan ama aysan noqon sidaad fileysay.

3.Wax kasta waa in sidaaad jeceshahay ama aad rabto loo sameeyaa

Dadka madaxa adag waa kuwo wax kasta u sameeya si dadka kale ay uga dhigaan kuwo raba waxa ay iyagu rabaan.

Dadka kuu dhow marnaba ma siisid fursad ay ku sameystaan waxay rabaan, waxkastana waa in loo sameeyaa sida aad adiga rabto

Arrintaan waxaa mararka qaar loo arki karaa cadaadis iyo ku dul socosho aad ku dul soconeyso dad kale, waana wax laga wanaagsanyahay.

Hadii aad adna ubaahantahay inaad onlineka kashaqeesto waxwalba si free ah laguu fahamsiin doona insha allah kaliya kusoo biir channelka telegramka mahadsanid ama fariin inoo soodir. https://t.me/buzuriacademy JOin

READ ALSO  10 Farriimood Oo Qurux Badan Oo Loo Diro Jaceylkaaga Kaa Fog
Buzuri

Buzuri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *